Axdiga Qabyo-qoraalka ee Dhallinyarada



Anagoo ah dhallinyarada Somaliland, Puntland
iyo Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya
waxaan garwaaqsannahay in aan nahay
dhalinyartii maantay iyo tan mustaqbalka
ummadda. Annaga oo tan maanka ku hayna,
waxaan jeclaan lahayn in aan yeelano cod
mideysan; hal cod oo laga wada maqlo Axdigan.

info@soyden.net
Waxaan u baahannahay bey’ad dhiirrigelisa
oo awood siisa qof kasta oo dhalinyaro ah
rag iyo dumarba leh in ay helaan awood, suldo,
wakaalad iyo fursado ay ku yeeshaan kala
doorashooyin mirodhal ah kuna saleeyaan
noloshooda iyo nolosha dadka kale.
Ayadoo la garawsan yahay awooddii
iyo halgankii ay Ururkii Dhalinyarada
Soomaaliyeed u soo galeen xorayntii
Jamhuuriyadda Soomaaliya 1960kii, haddaanu
nahay dhallinyarada Somaliland, Puntland iyo
Koonfurta dhexe ee Soomaaliya waxaan rabnaa
in aan yeelanno cod mideysan oo aan wax uga
qabaneyno culeysyada naga wada haysta in
aan ku dhisno wax ay u dhan yihiin bulshada
Soomaaliyeed taas oo Soomaali oo idil ay
dareemayso qiimeyn iyo awood ay ka hesho.
Anagoo garwaaqsan in aan nahay quwad
xoog leh oo waddanka hor-u-dhaqaajin karta
si loo wanaajiyo guud ahaan horumarka
bini’aadamka, waxna looga qabto culeysyada
haysta dhalinyarada Soomaaliyeed ee maanta;
anagoo garawsan hadafyada lagu xusay
Hadafyada Horumarinta Mileeniyamka
(Millennium Development Goals), waxaan meel
iska dhignay farqiyadeena kala duwan oo aan
isku nimid anagoo rajaynayna in aan hanano
mabaa’diida soo socota:
Anagoo ah dhalinyarada Soomaaliyeed waxaan
cod middaysan ku caddaynayaa Axdigan awood
siinta dhalinyarada iyo dadka Soomaaliyeed
ayadoo loo maraayo:
Isbeddel Siyaasadeed iyo mid
Hay’adeed:
• Waxaan ugu baaqaynaa dowladda in ay
bilowdo oo hirgeliso siyaasadda dhalinyarada
qaranka middeysan oo dhamaystiran taasoo
si fiican loo dhexgaliyey siyaasadda iyo
barnaamijyada qaranka.
• Waxaan garwaaqsaney baahida loo qabo
in la suuliyo takoorka lagu hayo gabdhaha,
dumarka dhalinyarada ah si waafaqsan
waajibaadyada ku qoran heshiisyada
iyo shuruucda caalamiga ah, kuwa heer
goboleed iyo kuwa heer qaran ee kala
duwan ee xaquuqda dadkaee loogu tala
galay in lagu ilaaliyo laguna horumariyo
xaquuqda haweenka.
• In la hubiyo in qof kasta oo dhalinyaro ah
rag iyo dumarba ay heystaan xuquuqda
ay uga qeybgali karaan howlaha go’aan
qaadashada ee arrimaha bulshada,
siyaasadda, iyo dhaqaalaha ee dadka.
• In la abuuro maal-gelin/santuuqa
dhaqaalaha awood-siinta dhalinyarada
qaranka oo waara.
Awood siin Bulsho:
• Waxaan doonaynaa in aan bedelno manhajka
oo ka dhigno mid u habboon fursadaha
shaqo ee ka jira gudaha, waddaninimada,
asluubta qofka, deegaanka is-bedbeddela
iyo horumarka shakhsiga ah.
• Qof kasta oo dhalinyaro ah waa in uu xaq
u yeeshaa in uu helo waxbarasho tayo leh
oo ay ka mid tahay heerarka kala duwan ee
waxbarashada madaniga ah.
• In la bixiyo waxbarasho aasaasi ah oo lacag
la’aan ah qasabna ah, noocyada kala duwan
ee waxbarasha dugsiga sarena laga dhigo
Somalia Human D 166 evelopment Repor t 2012
kuwo diyaar ah oo qof kastaa heli karo,
ayadoo weliba taxadar gaar ah la siinayo
dadka reer miyaga.
• In la bilaabo barnaamijyo deeq waxbarasho
oo lagu dhiirigalinayo gelitaanka
waxbarashada dugisga hoose ka dib
iyo tacliinta sare ee dhallinyarada ugu
horreysa aqoonta oo ka soo jeeda bulshada
tabaalaysan/dayacan, gaar ahaan gabdhaha
da’da yar.
• In la bilaabo xarumo cudurka HIV/AIDS
oo wax loogu qabto dadka qaba cudurka
ayadoo taxadar gaar ah
• la siinayo carruurta dhalatey iyaga oo qaba
cudurka HIV/AIDS iyo agoomaha.
• Waxaan jeclaan lahayn in aan aragno
iyada oo la kordhiyey helitaanka daryeel
caafimaad tayo leh, la awoodi karo,
dadka ku habboon (xarumo caafimaad iyo
adeegyaba).
• Waxaan rabnaa in aan xog-ogaal u ahaano
tallaabooyinka ka hortaga ee cudurada,
gaar ahaan kuwa caamka ah si aan u helno
nolol buuxda, caafimaad leh, oo wax-soosaar
leh.
• Waxaan ka fileynaa in daryeel caafimaad
bixiyeyaaasha ay qoysaska baraan halista la
xiriirta caafimaadka dhalmada Jarjaridda
Saxaaaxa Dheddiga (Gudniinka), umulidda
aan ammaanka ahayn iyo dhalmada badan.
• Waxaan rajaynaynaa in dhalinyarada
miyiga helaan xarumaha caafimaadyada
ee wareega iyo adeegyo ku abbaaran hab
nololeedkooda iyo baahidooda
• In lagu dhiirigaliyaa dadka ay khusayso
(stakeholders) in ay siiyan fursado, sida
waxbarasho loo dhan yahay oo ay qayb ka
yihiin carruurta iyo dhallinyarada naafada
ah.
• Waxaan u baahannahay in aan helno goobo
bannaan oo dadka u dhaxeeya kuwaas
oo aan si nabad ah ku wada kulmi karno,
isku dhexgeli karno kuna wada cayaari
karno ayadoo aan loo kala sooceyn lab iyo
dheddig.
• Waxaan ka codsanaynaa qoysaska iyo dadka
haya talada in ay dhiirigaliyaan cayaaraha,
gaar ahaan kuwa qofka ku abuuraya
qiyamka sida edebta, tartan caafimaad qaba
iyo maskax wax soo saar leh.
• Waxaan rabnaa in aan beddelno fekerka
bulshada ay ka qabaan dhalinyarada oo
ah in ay yihiin dhibaatooyin u baahan in
la xaliyo ah (defucut approach) oo ay u
arkaan wakiillo hor u kac leh oo is-beddel
horseedaya.
• Waxaan rabnaa in bulshadeenna
qoysaskeenna, saaxiibadeen, kuwa
siyaasadda dejiya, hay’adaha/wakaaladaha
iyo muwaadiniinta -- ay noo arkaan
dhalinyaro cusub, f ikrad cusub, halabuur
iyo aragti fog leh, horseedayaal iyo
indheergarad.
• Waxaan rabnaa in aan muujinno dulqaad oo
aan ixtiraamno dad leh asalo kala duwan
(jifo, sinji, qabiil ama hantida ku kala
duwan).
• In la suuliyo falal dhaqameedyada liida
kaamilnimada jir ahaaneed iyo sharafta
haweenka.
• In la isku geeyo hal abuurka dhalinyarada
si kor loogu qiyamka dhaqamada iyo
caadooyinka degaanka.
• In la aasaaso qaab dhalliyarada qurbaha ku
nool ku dhiirrigeliya in ay ka qaybqaataan
waxqabadka hormarineed ee dalkii ay asal
ahaan ka yimaadeen.
• In kor loo qaado istiraatiijiyadaha
yareynta dhibaatooyinka dhallinyarada
ku biirtay burcad badeednimo, xag-jir,
maandooriyeyaasha la qabatimay iyo
noocyo kale oo dabeecado halis ah.
Awood-siin Dhaqaale:
• Qof kasta oo dhalinyaro ah waxuu xaq u
leeyahay in uu helo shaqo faa’iido dhal ah
oo leh fursado maciishadeed oo joogto ah.
• In la hubiyo in dadku si sinnaan ah u heli
karaan shaqo iyo lacag isku-mid ah oo u
dhiganta shaqada isku midka u qabtaan
iyo in dadka laga ilaaliyo kala takoorka
iyada oo aan loo eegeynin isirka, sinjiga,
dheddig-laboodka/jinsiga, naafonimo,
diinta, iyo siyaasadda, bulshada, dhaqanka
ama dhaqaalaha qofka.
Annex 1 Youth Charter 167
• Qof kasta oo dhalinyaro ah waxaa uu xaq
u leeyahay in laga ilaaliyo ku danaysi
dhaqaale iyo in ay qabtaan shaqo waxyeelo
ku ah caafimaadka qofka dhalinyarada ah
ama horumarkiisa/keeda guud.
• In la kobciyo isku-xirka u dhaxeeya suuqa
shaqada iyo waxbarashada iyo hab tababar
si loo hubiyo in dhallinyarada loo tababaro
meelo fursado shaqo laga helayo ama ku
soo kordhayaan.
• In la abuuro siyaasadda dhaqaalaha
guud ee shaqadu ugu horayso oo shaqo
loogu abuurayo dhalinyarada, gaar ahaan
gabdhaha dhallinyarada ah.
• In la dhiirrigeliyo gacansi-abuurista
dhallinyarada ayadoo la bilaabayo
barnaamij tababar baaxad leh (la bixinayo
xirfad nololeed iyo tababar xirfad nololraadsi,
helidda dayn, fursado qof ku haga
iyo macluumaad wanaagsan oo ku saabsan
fursadaha suuqa ka jira).
• In la diyaariyo barnaamijyada adeegga
dhalinyarada qaranka si dheddig-laboodka
loogu saleeyo iyo kobcinta xirfadaha
gelitaanka suuqa shaqada.
• In la bilaabo barnaamij guud oo bulshada
ku saleysan oo ay dhalinyarada qaranka
hogaaminayso kaas oo ay ku jiraan
xirmo isugu jirta nabadda iyo horumarka
labadaba.
• In la dhiirrigeliyo cilmi-baaris lagu
sameeyo dhibaatooyinka caamka ah
ee haysta dhallinyarada Soomaaliyeed
si loo qaabeeyo siyaasadaha yareynta
saboolnimada.
Awood-siin Siyaasadeed:
• In la ballan-qaado in baarlamaaka laga
helaa dad matala dhalinyarada.
• In la abuuro kaalin lana xoojiyo meel ay
dhalinyarada uga mid noqdaan dadka
go’aamada gaara heer qaran, degmo iyo
heer dowlad hooseba.
• Qof kasta oo dhalinyaro ah waa in loo
xaqiijiyaa xaqa uu si xor ah uu ku muujin
karo kuna soo gudbin karo ra’yigiisa ama
ra’yigeeda ku saabsan dhammaan arrimaha
kala duwan.
• Qof kasta oo dhalinyaro ah waa in uu
leeyahay xaquuq uu ku biiri karo urur,
xornimada kulan nabadeed iyo xuquuqda
macluumaadka.
Nabad Dhisidda:
• Waxaan jeclaan lahayn in aan ka qayb
qaadano oo aan wax la taaban karo ka
geysano howlaha nabadda.
• Waxaan jeclaan lahayn in aan bedelno
si ay xaaladdu hadda tahay (Status quo),
oo aan ka dhaqaaqno xalinta khilaafka
muddada gaaban ee dibadda laga wado
ee aan u dhaqaaqno qaab lagu beddelayo/
dhalan-rogayo khilaafka oo ay Soomali
hogaaminayso, ayadoo la qaadanayo wadahadal
wax ku ool ah oo culeysyada jirana si
hal-abuur ku dheehan wax looga qabanayo.
• Waxaan rabnaa in aan is-kaashi dhow la
yeelanno dhallinyarada qurbo-joogga ah.
• Waxaan rabnaa in la hubiyo ka
qaybqaadashada dhalinyarada dhammaan
shirarka nabadda iyo dib u heshiisiinta
qaranka.
• In dib loo xoojiyo habab dhaqameedka
nabad dhisidda.
Doogaynta Horumarka Dadka
(horumar la gaaro iyada oo aan
wax loo dhimmin deegaanka):
• In la garawsado danta guud iyo karaanka
dhalinyarada ay u leeyihiin in ay difaacaan
deegaanka maaddaama ay yihiin dadkii
dhaxli lahaa deegaanka.
• In la taageero ururada dhalinyarada in
ay abaabulaan barnaamijyo dhiirigwliya
ilaalinta deegaanka iyo tamarta sii socon
karta sida dhimista qashinka, dib-uisticmaalid
iyada oo la adeegsanayo
farsamooyin nadiif ah;
• Waxaan doonaynaa in aan helno xog ku
saabsan deegaanka soona saarno ama dib
u xoojino qorsheyaalka lagu ilaalinayo
deegaanka, loogana hortagayo is-beddelka
cimilada gaar ahaan ayadoo la tixgalinayo
difaacidda khayraadka sida dhulka (in laga
hortago xaalufinta; daaqid badan, qashinqub
aan habbooneyn iyo dhir jaridda) iyo
Somalia Human D 168 evelopment Repor t 2012
biyaha (in laga hortago daadka/fatahaadaha,
kaluumaysi iyo qashin-qub sharci darro ah
iyo ilaalinta khayraadka badda), sii aan u
qaadno talaabooyin ku wajahan ilaalinta
deegaanka iyo nolol-raadisga.
• In la dhiirrigeliyo isticmaalka tamar
lagu dhaliyay hab aan waxyeelleyn
khayraadka dabiiciga ah iyo deegaanka
lana cusbooneysiin karo ayadoo la
bilaabayo ganacsi tamarta kku saabsan oo
ay dhalinyaro hogaaminayaaan.
• In la hubiyo ka qaybqaadashada dhalinyarada
naqshadda, hirgalinta iyo qiimaynta tamarta
la cusboonaysiin karo iyo siyaasadda
deegaanka oo ay ku jirto daryeelka/ilaalinta
kheyraadka dabiiciga ah.
Waxaa ansixiyay wakiiladda dhalinyarada ka kala socotay Somaliland, Puntland iyo Koonfurta
iyo Bartamaha Soomaaliya intii lagu guda jiray aqoon-isweydaarsigii wadatashiga ahaa ee
lagu qabtay Garoowe, Puntland taariikhdu markay ahayd 24 Sebtembar, 2011 waxaana lagu
faafiyay gobollada kooxaha dhallinyarada ku baahsan yihiin iyada oo wadatashi loo marayo.

Comments

Popular posts from this blog

Will the London conference help Somalia?

THE SITUATION OF SOMALIA